|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Warar ay heshay Idaacada shabelle ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid safarkii Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya ay ku aadi lahaayeen Wadanka Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in safarka madaxda dowlada fedaraalka uu dib u dhaca ku yimid kadib markii qaar ka mid ah Madaxda Dowladda ee loogu tala galay safarkan ay ku qanciwaayeen qaar ka mid ah waxyaabaha loogu tala galay in looga hadlo shir la sheegay in uu ka dhacayo Magaalada Addis ababa.
Qodobada ugu weyn ee madaxda dowlada fedaraalka Soomaaliya ayaa la sheegay in safarkooda loogu tala galay in meesha looga saaro khilaafka hareeyay Madaxweynaha iyo Ra段isal wasaaraha oo si wayn ugu baahay qaybaha kale ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Macada waqtiga dib loogu dhigay safarka Madaxda dowlad ee dalka Itoobiya oo yimid markii saraakiil Itoobiyaan ah oo maalmo kahor muqdisho u yimid sidii ay u dhameyn lahaayeen muranka Ra段isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ee salka ku haya arimaha dib u heshiisiinta balse soo ifbaxay markii uu Ra段isal wasaare Nuurcadde xilka ka xayuubiyay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa Gudoomiyaha gobalka banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
Khilaafka ayaa waxa uu kusii baahayaa xubnaha kale ee Dowladda waxaana Magaalada baydhabo oo fariisin u ah baarlamaanka ku meel gaarka ah ka socda mooshino lagu kala ee daynayo Madaxwaynha iyo Ra段isal wasaaraha iyadoo dhinac walba uu xusul duub ugu jiro sidii uu u heli lahaa xubnaha ugu badan si uu u guulaysto.
|